"Waan ku guursanayaa ayuu igu yiri balse wuu i khayaamay" - BBC News Somali (2024)

"Waan ku guursanayaa ayuu igu yiri balse wuu i khayaamay" - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, SHASHE

Gabdha badan oo ka soo jeeda qaaraddan Afrika waxay u hayaamaan waddamada carabta si ay halkaasi uga raadsadaan noolal dhaanta tan ay dalkooda kaga nool yihiin.

Gabadhaha shaqaalaha ka noqda waddamada Carbeedna ee ka taga qaaraddan Afrikana waxaa ugu badan kuwa ka soo jeeda dalka Itoobiya oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan qaaradda Afrika.

Inta badanna gabdhahaasi inta ay Carabaha shaqa u joogaan waxay la kulmaan dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid yihiin dil, kufsi, jirdil iyo mushaaraadkii ay ku shaqeeyeen oo loo diido taasina ay sababto iney naftooda ku waayaan ama iyaga oo dhimirka looga jiro ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Haddaba qofka muddo shaqaale ka soo ahaa dal aan kiisa ahayn oo dhibaatooyin intaa la'eg u soo sabray hantidi ama lacagtii yareyd uu soo shaqeystay oo uu lahaa dalkaaga marka aad ku noqoto aad noolashaada ku dabbartid lagaa dhaco ama lagaa khayaamo xanuunka ay leedahay waa la dareemi karaa.

Gabadha maxaa ku dhacay?

Shaashe waxay ka mid tahay gabdhaha u dhashay dalka Itoobiya oo ay lacagti yareyd oo ay soo shaqeystay nin ku yiri waan ku guursanayaa oo ka khayaamay. Waxay ka sheekeyneysaa wixii ay la kulantay.

Shaashe oo ka soo jeeddo Galbeedka Shawa waxay halkii ay ku nooleyd ee ay asal ahaan ka soo jeedday oo loo yaqaano Kotebe ay iska barteen wiil dhalinyara ah.

  • Gabadh badbaadineysa nolosha aabbe soo korsaday
  • Nin guur-doon ah oo sameeyay ficil ay dad badan la yaabeen

Wiilkii wuxuu ku abuuray Jeceyl, jeceylkaasi oo gaarayba iney ku heshiiyaan iney noola wadaagaan iyaduna wixi lacag ee ay Sacuudi Carabiya ka soo shaqeysato magaciisa ay ku soo dirtaa si uu wax ugu qabto, marka ay xoogaa ay uruursadaanna ay dalka Timaado sidaana ay shaqa ku abuurtaan noloshana ay ku midoobaan."Sacuudi Carabiya ayaan u shaqa tagay. Sacuudi Carabiya marka aan joogay waxaan u shaqeeynayey haweney ay la nooshaha walaasheed oo curyaan ah oo aan kaadida iyo saxaradaba aniga ka qaado oo aan khaadimkeeda gaarka ah u ahaa, waaxaana ii joogta ahayd inaan maalin walba dharka iyo gogosha ka beddelo oo nadaafaddeedana ka shaqeeyo", ayay tiri

Afarti sano ee aan reerkaasi u shaqeeynaysay bishii mushaar ahaan waxaa loo siin jiray 700 riyaal oo Sacuudi Carabiya, iyada oo mushaarka xilliga ku habboon aan la siin jirin.

Afar sano kaddib ayay reer kale u wareegtay waxayna ugu shaqeynaysay 900 oo Riyaal oo mushaar ah bishii.

"Guri cusub ee aan galayna wuxuu ahaa cadaab yar habeen iyo maalin guriga ayaa dusha la iiga xiri jiray oo la iima oggoleen 24 saac inaan guriga meelna uga dhaqaaqo ceedceedda xataa iney soo baxday iyo iney dhacday ma kala ogaan jirin, laba sano ayaanna sidaa ku shaqeynayey."

  • Gabadh ina adeerkeed Kelli u bixisay iyo Jeceyl ka dhashay
  • Haweenay karsatay hilbaha ninkeeda

Iyadoo ka sheekeynsay sida ay ku aamintay in ay ninkaasi lacagta u soo dirto ayaa waxa ay tiri:

"Waxaanna wiilka ku aaminay walaalkii oo aan isnaqiinnay oo isoo wacay oo igu yiri walaalkey waa wiil diin leh fadlan guurso hadalka walaalkii ayaana igu sii dhiiragelisay inaan aad u xiriiriyo aanna go'aansado inaan guursado.

Markii dambe waxaan ogaaday ninkii ii been sheegayey ee lahaa waan ku guursanayaa oo lacagteydii oo dhan aan u dirayey inuu naag kale uu ku guursaday lacagtii an aniga ku soo daalay shilinna uu ii haynin naagta uu guursadayna ay ubad u dhashay.

Waaga ayaa igu baryay tala ayaa igu caddaatay aniga waxba gacan kuma hayo, nin iyo lacag toona 6 sana iyo ka badan waxa guri carbeed uga soo shaqeeynayeyna halkaasi ayey ku dambeysay.

Waa dareemi kartaa dhaawaca, niyad jabka iyo mooral xummada ay arrintan igu reebtay weliba waxaan ka baqayaa inaan rag dambe aamini waayo sida uu ninkan ii khayaanay darteed.

Haddii ay teyda ahaan lahayd waxaan jeclaa lacagta aanu soo diri dhul inta uu nooga iibiyo, gurina noo dhiso , shaqa ganacsina nooga abuuro anigana aan aroos u yimaaddo hamigeygii oo dhan riyo ayuu noqday, waa hadda iyo inaan shaqa hor leh iyo rafaad horleh u maraa si aan noolasheyda u kaafiyo.

  • Abwaan Shube: Jacaylka kusoo bood iyo xiiso ma aha
  • Ragga gaagaaban ma dhib ayey kala kulmaan iney lammaane helaan?

Waxaase wax walba iiga daran oo aan illaawi la'ahay Axadda aniga oo lacagta oo dhan u soo diray ayaan subaxa Isniinta la soo hadlay sii aan u hubiyo inuu lacagti helay iyo inkale taleefanki wuu xirtay baraaha aan ku xiriirin jirnayna Block ayuu iga saaray.

Maalintaa wixii ka dambeeyey in mudda ah niyad jabki isoo gaaray awgii c*nta wan cuni waayey waana seexan waayey seddex bilood ayaan dhibkaasi ku jiray.

Marki dambana caafimaad darro ayaa ila soo daristay sanka iyo afkaba dhiig ayaa iga yimid, maalinti seddex jeer ayaa dhakhtarka booqanayey oo flibbo la igu surayey dhbkaasi oo dhan waxaa ii geystay ninki aan doonayey inaan noolal wadaagno oo khiyaama intaa le'eg ii geystay.

Ugu dambeyn, Shaashe walalkeed oo ka xumaaday dhibka walashii loo geystay ayaa arrinta booliska gaarsiiyey hase yeeshee booliska uma suuragelin iney helaan ama soo qabtaan ninki lacagta ka dhacay oo nafteedana khiyaamay.

"Waan ku guursanayaa ayuu igu yiri balse wuu i khayaamay" - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Francesca Jacobs Ret

Last Updated:

Views: 5561

Rating: 4.8 / 5 (48 voted)

Reviews: 87% of readers found this page helpful

Author information

Name: Francesca Jacobs Ret

Birthday: 1996-12-09

Address: Apt. 141 1406 Mitch Summit, New Teganshire, UT 82655-0699

Phone: +2296092334654

Job: Technology Architect

Hobby: Snowboarding, Scouting, Foreign language learning, Dowsing, Baton twirling, Sculpting, Cabaret

Introduction: My name is Francesca Jacobs Ret, I am a innocent, super, beautiful, charming, lucky, gentle, clever person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.